Sawiro:Maamulka Hirshabeelle oo dhagax dhigtay Xarunta degmada Raaga-ceelle

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cali Caadle ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Raaga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Mashaariicdaan waxaa ka mid ah dib u dhiska  Xarunta degmada Raaga Ceelle oo muhiim u ah dowladnimada, si loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaas.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Shabellaha dhexe, Axmed Meyre Makaraan, Xildhibaanno, Wasiirro, Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa billooyinki dambe waday dadaallo lagu hormarinayo deegaannada Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.