Sawiro:Soomaaliya iyo Bangiga Aduuunka oo yeeshay Kulan Mahiim ah

Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada Dalka iyo Saraakiil ka socota Bankiga Adduunka oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa ka wada hadlay halka ay marayaan horumarka ka jira dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dhaqaalaha , isla maraana ay Dowladdu ay in badan oo dakhligeeda ka mid ihi ku ku xoojiso dhinaca waxbarshada oo saldhig u ah koboca dhaqaalaha Dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa isna goobta ka sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay tayaynta waxbarshada Dalka iyo sidii loo horumarin lahaa.

Wakiilka Bangiga Aduunka ee Sooomaaliya , Huth Ridel , ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada oo haatam meel fiican marayo iyaguna ay taageeri doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.