Mid kamida Madaxda Africa uga caansan oo Geeriyooday

War ay shaacisay dowladda Zimbabwe ayaa sheegay a in uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaas Mr Robert Mugabe, kaasi oo in muddo ah xanuunsanayay, eheladiisa ayaana Warbaahinta u xaqiijiyay.

War qoraal ah oo bartiisa Twitterka uu ku qoray Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Fadzayi Mahere ayuu kaga hadlay geerida Mogabe,isagoo yiri”nabad ku naso Robert Mugabe.”

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe oo geeriyooday Mr. Mugabe oo ahaa 95 sano jir,wuxuu in muddo ah la jiifay xanuun hayay iyo sidoo kale gabow is biirsaday, waxaana lagu daweynayay isbitaal ku yaala dalka Singapore, halkaasi oo uu ku geeriyooday, oo uu weligiisa caafimaad ahaan u aadi jiray.

Muddo sanad ka hor ayuu xilka ku wareejiyay Emmirson Manangagwa,kadib markii militariga dalkaasi ay afgembi ku rideen maamulkiisa.

Mr Mugabe waxaa xilka looga qaaday afgembi militari bishii November ee sanadkii 2017, taas oo soo afjartay xukunkiisii socday in ka badan 30 sano.

Robert Mugabe Wuxuu dhashay 21-kii February 1924, xilligaas oo Zimbabwe loo garanayay Rhodesia, waana shaqsi taariikh weyn ku leh dunida,inta badana lagu yaqiinay hadalo cad cad oo aan lahayn cabsi,marka uu la hadlayo siyaasiinta reer Galbeedka ah.

Mr Mugabe waxyaabaha uu soo maray noloshiisa waxaa qeyb ka ahayd in uu xabsi ku jiray in ka badan 10 sano,ka dib markii uu eedeeyay dowladdii Gumeystaha ee Rhodesia, sannadkii 1964-tii,sidoo kale dowr weyn ayuu ka soo qaatay dhismaha dowladnimada iyo hoggaaminta dalkaasi, balse wuxuu ahaa qof in muddo ah xilkaasi hayay, taasi oo keentay in ugu dambeyn xilka laga tuuro.

Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.