Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Lagu Kordhinayo Jaamacadda Ummaddu Qaybteeda Caabuudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban sedax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirar oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee Caabuudwaaq kaas oo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.

Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayn in ay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.