Sawiro:khayre oo si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka  Koonfur Galbeed.

Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maamulada gobolka, kan degmada Baydhabo, odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi, iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Boorar ku xardhan Sawirka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu dhejiyay waddooyinka iyo meelo badan oo kamid ah magaalada,taasi oo qeyb ka ah soo dhaweyntiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin badan oo reer Galmudug ah, sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.