Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirka dib u heshiisiinta Galmudug

beesha

War ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu taageeray Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada dowlad goboleedka Galmudug,iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaallada dib u heshiisiineed ee Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre uu ka wado deegaannada Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen muhimadda geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay in ay tahay tallaabo muhiim u ah qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedka Galmudug.

Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya sida African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Sweden, United Kingdom, United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) iyo United States ayaa soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta ee dhawaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.