Maamulka Khatumo ayaa war been abuur ah ku tilmaamay wararka sheegaya in Magaalada Buuhoodle ay la wareegeen ciidamo ka amar qaada Maamulka Puntland.
Magaalada waxa la sheegayaa in gacan ku haynteeda ay isku bedbedaleen ciidamo ka kala amar qaada Maamulada deriska ah ee Khaatumo iyo Puntland kuwaas oo marar badan halkaas uu dagaal ku dhaxmaray.
Wararka xiligan laga helayo Magaalada Buuhoodle ayaa sheegaya in Magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Maamulka Khatumo isla markaana wado kasta oo magaalada lagu arkayo.
Isbitaalka wayn ee Magaalada Hargaysa ayaa la dhigay tiradii ugu badnayd ee caruur la liita nafaqo daro baahsan.
Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in inta badan caruurta la keeno isbitaalka jirkooda difaac ahaan aad u liito.
Waxa ay ku warameen dhaqaatiirka Isbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa in wali ay jiraan Caruur kale oo xaaladaas ku sugan oo aan la soo gaarsiin isbitaalka
Leave a Reply