Garbahaaray:Ciidamada Xooga dalka oo fashiliyey weerar ay soo qaadeen Shabaab

Kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa lagu dilay Gobolka Gado gaar ahaan magaalo Madaxda gobolkaas ee Garbahaarey.

Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weerar ku qaadaan Magaalada Garbahaareey si-ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah kuwaas oo Sanado badan ku noolaay Nabad iyo Amni Wanaagsan.

Ciidanka Xoogga dalka oo kawar helay Qorshaha Argagaxisada Al Shabaab ayaa weerarkooda ka hortay kuwaas oo u geystay jab balaaran.

Ciidanka Malatariga ee ka howlgala Garbahaareey ayaa fashiliyey Qorshihii Kooxdaas kuwaas oo dagaal ay lagaleen Ciidanka Xoogga looga dilay Maleeshiyaad.

Saraakiisha Ciidanka ayaa soo bandhigay mayka iyo Hub laga furtay dhagarqabayasha l Al Shabaab , ma ahan markii ugu horaysay ee Shabaab ku fashilmaan weeararada ay ku dh8baataynayaan shacabka soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.