Hanaanka Cadaalada Soomaliya oo isbadal lagu sameynayo

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo Qorshe lagu hormarinayo hanaanka Cadaaladda dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo Wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Hirgalinta nidaamka  Cadaaladda dalka oo ay wadaan, Islamarkaana latashiyo kala duwan kala sameeyeen Dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Qeybaha kala duwan ee Ururadda Bulshada Rayidka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Nidaamka Cadaaladda ladoonayo in uu lajaan qaado Nidaamyadda Cadaaladda ee dunida ka jira lehna awoodihii lagu fulin lahaa.

“Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay Hanaanka Cadaaladda, Asluubta iyo Siyaasad weyn oo Dowlad Goboleedyadda iyo Dowladda Federaalka ayaa Nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,Hanaankaas oo lahorgeeyey Golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen”

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa sheegay in Hanaankaas laga hirgalin doono Dhamaan dalka si ay dadk Soomaaliyeed u helaan Nidaam Cadaaladeed oo wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.