Madaxweyne Lafta gareen oo lagu soo dhaweeyey Degmada Xudur

Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen  ayaa  Maanta gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Madaxweynaha  ayaa hor dhac u ah Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filaayo in magaladaasi  ay garaan saacadaha soo socda ee maanta.

Shalay ayaa degmada Xudur waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago degmada Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed, isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfurgalbeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.