Sawiro:Madaxwayne Waare oo kudhawaaqay Dagaal kana Shabaab

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan Tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qado Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gole ee Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Qeybahooda Kale duwan.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabelle oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabeelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee ay Go’doomiyeen Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Alshabaab, waxaana carabka uu ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furayo wadooyinka Xiran.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.