Boosaaso:Ciidamada Booliska Puntland oo weeraray Xaruntii idaacada Daljir

Taliye kuxigeenka qaybta booliska gobolka Bari Cabdirashiid Aamusane iyo ciidamo uu wato oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa mar kalle saakay gudaha u galay xarunta warbaahinta Daljir ee Bosaso, iyadoona weerarkan uu yahay kii afaraad ee ciidamada ay ku weeraraan radiyo Daljir xarumihiisa Garoowe iyo Bosaso labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Radio Daljir ayaa soo bandhigay tacadiyo jir dil, xabsi iyo hanti lagala wareegay maxaabiis aan wax xukun ah lagu ridin, arrinkaasi oo taliyaha booliska Puntland Gen. Muxyadiin uu aad uga carooday isagoona ku hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono warbaahinta Daljir, maadaama ay shacabka usoo bandhigtay tacadiyada lagu eedeeyey inuu gaystay, ciidamada Taliye Aamusane uu wato ayaan sidoo kalle wadan wax warqad ah oo maxkamadeed marka laga reebo gaadiidka dagaalka oo lagu khalkhalgliyay shaqaalaha xarunta Daljir ee Bosaaso.

Xigasho warbaahinta Dajir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.