Daawo:Dad Shacaba iyo shabaab oo dagaal adag dhexmaray

Dadka deegaanka ayaa Maleeshiyada Alshabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool, waxana dagaalkaas dhacay ka dib markii habeenimadii xaley ay Kooxda Alshabaab si boob ah xoolo uga ka xaysatay dad xoolo
dhaqato ah oo deegaankaas deganaa waxana saaka kadaba tagay dad shacab ah oo isu abaabuley inay la dagaalamaan Kooxda alshabaab.

Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Maleeshiyada Baxsadka ah ee Alshabaab, waxaana markii dambe ay Nabad diidka kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen ciidamada xooga dalka oo ugurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Argagixisada si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.