Gudeemiye kuxigeenka Barlamaanka oo kulan laqaatay Madaxwaynayaasha Waare iyo Laftagareen

Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golahaha Shacabka Cabdi wali ibraahim Sheekh Mudey ayaa xalay kulan casho u sameeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.


Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid isxog-wareeysi iyo Soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.