Sawiro:Xildhibaano iyo wasiiro yeeshay kulan looga Hadlaayey arimaha Jubbaland

Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee ka soojeeda Deegaanada Jubaland gaar ahaan Gobolka Gedo waxaana waheliyey Wasiir kuxigeenka Macdanta iyo Patroolka Soomaliyaa Maxamed Cabduqaadir Hilaal.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray arrimaha ay kamid ka yihiin xal u helida kaaba yaasha bur buray iyo wax ka qabashada Abaar ka bilaabatay Gobolka iyo Xoraynta degaanada ay ku harsanyihiin kooxaha nabadiidka ah.

waxaa kaloo kulankaas looga hadlay Arrimaha doorashada Jubbaland waxaana si buuxda loo taageeray qoraha Dowlada Soomaliya gaar ahan kan wasaarada arimaha Gudaha kaas oo dhawaan lafilaayo inay wasaarada arimaha Gudaha soo saarto Habraaca Cusub ee doorashada Jubaland, waxaa kulankaas lagu falan qeeyey Xaalada degmooyinka Baladxaawo, Doolow iyo Luuq.

Ugu danbayn waxaa la isla qaatay in ay lagama maar maantahay in labooqdo Gobolka Gedo lana meel mariyo dhamaan qodobadii looga hadlay kulankaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.