Akhriso:Maamul goboleedyada oo loogu deeqay Midkiiba Hal milyan

bayle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix milyan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub.

Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in ujeedka lacagtaan ay tahay qoondada Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabidda miisaaniyadda

Qoraalkaan oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay caasimadda Etoobiya ee Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabidda ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtaan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dalool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadaan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib, marka la isticmaalo lacagtan.

Halkaan hoose Ka aqriso Qoraalka fasaxa maaliyadeed ee ka soo baxay Wasaardda Maaliyadda:-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.