Sawiro:Kulan looga arinsanayo fowdada Shiiq shariif iyo Xasan Shiiq oo kadhacay Guriga Wasiirka Amniga

Wasiirka Amniga dowlada federaalka ee Soomaaliya Maxamed Abubakar Islow ayaa waxuu gurigiisa ku qaabilay qaar kamida Duubaabka iyo oday dhaqameedyada Gobolka Ganaadir waxaana goob joog ka ahaa kulankaas Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cummar Filish.

Duubabka Dhaqanka ee Wasiirka Amniga soomaaliya Gurigiisa ku soo Booqday ayaa waxaa kamida Imaamka Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamud Cali, Boqor C/llaahi Geedi, Nabadoon Muxidiin Xasan waxaana kulankaa ku wehliyey Wasiir Cismaan Daallo, Guddoomiye Cumar Filish, Xildhibaan Carrabow & xildhibaan hore Xuseen Carraale.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay hadalada aan munaasabka ahayn ee ay ku hadleen Madaxwaynayaashii hore Shiiq Shariif iyo Xasan Shiiq waxaana Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Banadir iyo Duubadka dhaqanka isku raaceen inaan cidna fowdo laga yeeleen lagana hortago cid kasta oo Amaan daro wada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.