Sawiro:Wasiir Ku-xiggeenka Batroolka XFS oo Addis-ababa ka furay Shir diiradda lagu saarayo ka faa’iidaysiga Kheyraadka dalka

Wasiir Ku-Xiggeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS Maxamud Cabdiqadir Hilaal ooo la hadlay Wakaaladda (SONNA)ayaa sheegay in Maanta Magaalada Addis Ababa uga furmay Shir muhiim ah oo ay Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta soo qaban qaabisay, kana soo qayb galeen Xubno ka socda Guddiyada Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Aqal sare ee BJFS, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha kala duwan ee bah-wadaagta shaqo la ah Wasaaradda.

Shirkaan oo sidoo kale ka soo qayb galeen khuburo ka timid wadanka Norway ayaa socon doona maalmo kooban, waxaana diiradda lagu saari doonaa dar-dar galinta ka faa’iidaysiga Kheyraadka, gaar ahaan Shidaal ka sida ugu wanaagsan ee loo maamulo heerar kiisa kala duwan iyo mabaadi’da waawayn ee ay tahay in la ilaaliyo.

Ugu dambayn waxa halka uu shirka ka furmay goob joog ka ahaa Safiir ka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Cameey asaga oo bogaadiyay ka soo qayb galayaasha una rajeeyay guul iyo gobonimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.