Sawiro:Bananbaxyo Lagu dalbanayo Siidaynta Wasiirka Amniga jubbaland ayaa ka dhacay Doolow iyo Luuq

Banaanbax Balaaran Oo Lagu Dalbanayo Siidaynta Wasiirka Wasarada Amniga Dowlad Goboledka Jubalnd Cabdirashid Xasan cabdinuur Janan Ayaa Maanta Kadhacay Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Jidadka Waaweyn ee Degmooyinka Luuq iyo Doolow Somaaliya ee Gobolka Gedo ayaa Saakay Waxaa Isugu Soo Baxayey Boqolaal Shacab Oo Dalbaneyey In Dowlada Federaalka Somaaliya Ay Sii Dayso Wasiirka Wasaarada Amniga Dowlada Goboleedka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Dadwaynahaan Bananbaxayey ayaa waxay si teen Boorar ay ku sawiran yihiin masawirka Janan iyo kuwa kale oo qoraalo lagu soo qoray waxaana kamid ahaa qoraaladooda ay Siteen (Janan Waa Jidka Nabada Jubaland ) iyo kuwa kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.