Daawo:Wasiirro iyo Xildhibaanno ku baaqay in gurmad dag daga lala gaaro gobolka Gedo

abaar

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahin, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal Xildhibaan Faraax Xasan, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, Xildhibaan CabdulAziz A Yusuf Dhagaqool iyo Xildhibaano kaled ayaa ku booriyay Hay’adda ku shaqada leh biyaha iyo qof walba oo Soomaali ah inay ka qayb qaataan wax ka qabashada xaaladda abaareed ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

Roob yarida labadi xilli ee lasoo dhaafay ayaa sababtay in abaaro ba’an ay ka dhacaan deegann ka tirsan maamul goboleedka jubaland, waxaana Maalmahii la soo dhaafay qaylo dhaan xooggan ka soo yeeraysay gobolka Gedo oo ay haatan ka jiraan biyo yari iyo baad la’aan, ka dib markii ay gureen warihii biyaha.

Waxaa soo kordhaya dad barakacayaal ah oo soo beegsanaya xerooyin ku yaalla dagmada Bardheere iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka gedo, kuwaas oo u baahan  in lala gaaro gar gaar degdeg ah.

Xildhibaanno iyo Wasiiro heer Federaal ah ayaa shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada muqdisho kaga codsaday dowladda Soomaaliya iyo  jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka Gedo in ay wax ka qabtaan xaaladda culus ee ka taagan deegaannadaasi.

Gobolka gedo ayaa ka mid gobolada ugu baaxadda wayn ee dalkeenna Soomaaliya,waxaana sidoo kale uu xuduud la leeyahay dalalka Itoobiya iyo Kenya, hase yeeshe waxaa isu kaashaday abaaro xiriir ah iyo qalalaase kooxaha nabad diidka ka wadaan deegaanada qaar ee gobolkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.