Ciidamada Qaybta 21aad ee Xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay nin dil ka gaystay Baladweyne

Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle dil ka geystay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo ku dhuumaaleysanayey qeybo tirsan deegaanada Galmudug.

Ninkaan gacan ku dhiiglaha ah ayaa horay Askari waxaa uu dil ugu geystay magaalada Baladweyne isagaa xiligaas baxsaday.

Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa xalay gacanta ku soo dhigay isaga oo ku dhuumanaya qeybo kamid ah magaaladaas.

Taliska ayaa waxaa ay ku soo wareejiyey Saraakiisha Ciidanka kuwaas oo ka howlgala gobolka Hiiraanoo iyagu markii hore ku raad xoogay gacan ku dhiiglaha.

Wariyaha Barbaahinta Qaranka uga soo warama Hiiraan Ibraahim Muxumad Geedi ayaa soo sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka ee ka howlala Hirshabeelle iyo Galmudug iska kaashadeen soo qabashada Gacan ku dhiiiglaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.