Mareykanka oo Soomaaliya Ugu Deeqay $257 milyan oo Doollar

Hay’ada Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka bixinayso ku dhawaad $257 milyan oo gargaar bani’aadanimo ah, si loogu caawiyo Soomaaliya.

Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya. Shaacinta taageeradaan dhaqaale waxay ka dhigaysaa in sanadkaan Maraykanku siiyay Soomaaliya ku dhowaad $ 498 milyan oo dollar.

Gargaarkaan ayaa loogo talo galay in wax looga qabto, gaajada, nafaqo-xumada ba’an, biyo la’aanta, daryeel caafimaad oo deg-deg ah, waxbarashada, in la badbaadiyo dadka ay saameeyeen iska horimaadka socda iyo abaaraha soo noqnoqda iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waddamada deriska ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in loo baahan yahay $ 500 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay maalgalinta bina-aadamnimada gudaha Soomaaliya illaa Disembar 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.