Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xiliga uu furmayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka

mursal

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyahah Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka, sida ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019.

Qoraalkan oo  uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.