Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo soo saartay habraaca Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland  ee 2019,ka, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey.

Qorshaha soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka 2aad iyo Doorashada Madaxweynaha ee Jubbaland 2019

Hordhac Khilaaf siyaasadeed oo la xiriirey saxitaanka liiska Odayaasha Dhaqanka ee rasmiga ah, xulistii Baarlamaanka 2aad iyo doorashadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ololayntoodu soo socotay ilaa iyo lix bilood oo ugu damebyntii 22kii Agoosto 2019 kusoo gaba gaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey, iyadoo la abuuray guddi, xeerar iyo habraac dhamaantood baal marsan dastuurka Federaalka iyo midka Jubbaland si maamulkii hore ee xilligiisu dhamaaday dib ugu soo laabto xukunka. Kadib markii lagu guul dareystay dadaallo is-daba joog ah oo ay geliyeen Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Odayaasha Dhaqanka iyo Murashaxiinta kaleba in doorashadu ay noqoto mid xor iyo xalaal ah, loo siman yahay loona dhanyahay ayaa ugu danbayntii keentay in Murashaxiinta kale iyo in badan oo oday dhaqameedkii beelaha ka mid ah ay sameystaan hannaan doorasho hor leh oo mid weliba si gooni ah ugu adeega danahooda gaarka ah. Tani waxay dhalisay in Jubbaland ay yeelato dhoor baarlamaano iyo dhoor madaxweyneyaal. Sidaa darteed, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta (WAGF&D) waxay cadeysay in aysan aqoonsaneyn gebi ahaanba habraaca loo maray iyo natiijooyinka kasoo baxay doorashooyinka kala duwan ee ka dhacay Jubbaland. WAGF&D waxay si aan shaki ku jirin u cadeysay in muhim ay tahay in la raaco qodobada aasaasiga ah ee ay horey usoo saartay oo ay ka mid yihiin: 1: Xaqiijinta liiska Odayaasha Dhaqanka ee rasmiga ah, 2: Dhaqangelinta habraac sax ah ee xulista Baarlamaanka 2aad ee Jubaland, 3:Dhaqangelinta habraac sax ah iyo shuruudaha Murashaxiinta Guddoonka Baarlamaanka, 4: Dhaqangelinta habraac sax ah ee Doorashada Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 29kii Agoosto 2019 wuxuu go’aamiyey in natijooyinkii doorashooyinka Baarlamaanka iyo kan Madaxweyne ee is barbar socday ee ka dhacay Dowlad Goboleedka Jubbaland ay dhamaantood yihiin wax kama jiraan. Iyadoo la tixraacayo warbaxintii iyo go’aankii Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta ay horey u gaartey, Goluhu wuxuu WAGF&D ku wargeliyey inay soo diyaariso habraac lagu wajahayo sidii Dowlad Goboleedka Jubbaland ay uga qabsoomi lahayd doorasho daahfuran oo lagu wada qanacsan yahay ayna korjoogto ka yihiin xubno ka kala socda WAGF&D iyo Beesha

Caalamka, si shacabka reer Jubbaland ay u helaan baarlamaan iyo hoggaan u horseedi doona jawi ku dheehan xasilooni, amni iyo cadaalad una fidin doona adeegyada bulshada ay u baahan yihiin. Hadaba iyadoo la tixraacayo go’aankii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee 29kii Agoosto 2019, ee lagu nasakhiyay natiijooyinkii kasoo kala baxay doorashooyinkii 22kii Agoosto 2019 ka dhacay Kismaayo, Wasaaraddu waxay sameeysay daraasad lagu qiimaynayo khilaafaadkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinkaas, saameynta ay bulshada ku yeelatay iyo sidii xal loogu lahaa, waxaana soo baxday in ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed oo aad u baahsan oo saameysay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland. Wasaaraddu markii ay daraasad sameysay ka dib, waxay diyaarisay qorshe howleed faahfaahsan oo qeexaya habraac hannaan doorasho oo xor iyo xalaal ah, kaasoo diirada saarayo in dadka reer Jubbaland ay helaan fursad ay ku sameystaan Maamul loo wada dhan yahay oo ay ku wada qanacsan yihiin.

Qorshahani waa mid:

1. Abuuraya kalsooni lagu qabi karo xulitaanka Baarlamaanka 2aad iyo natiijada doorashada Madaxweynaha.

2. U gogol xaaraya howlaha loo bahanyahay in la qabto si loo xaqijiyo qabsoomida Doorashada ee Jubbaland.

3. Ku dhisan xaqiiqda jirta islamarkaana ku salaysan Dastuurka Federaalka iyo midka Jubbaland.

4. Xaqiijinaya isfaham, midnimo, xoojinayana xiriirka iyo iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka

5. Tilmaamaya sida ugu haboon ee fursadii iyo rajadii ay lahaayeen bulshada reer Jubbaland dib loogu soo celin lahaa loona qaban lahaa doorasho sax ah oo ka qabsoonta Jubbaland.

6. Dhiiri gelinaya dhamaan jilayaasha in ay u hogaansamaan oo ilaaliyaan xeerarka, habraaca iyo shuruudaha doorashada.

Ujeedada-1aad: Abuurida jawi suurto geliya in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland ka taagan

1. Si loo abuuro dareen lahaansho loogana fogaado wax kasta oo tuhun keeni kara, hogaaminta iyo hagida qorshahan waxaa looga danbeynayaa odayaasha dhaqanka beelaha ee rasmiga ah iyagoo kaashanaya bulshada rayidka ah iyo siyaasiiyinta reer Jubbaland, doorka Wasaaraduna wuxuu noqonayaa taageero farsamo iyo dhaqaale oo ku aadan hirgelinta geedi socodka hannaanka doorashada oo xor iyo xalaal ah.

2. WAGF&D oo kaashaneysa hey’adaha kale ee Xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah waxay isku duba rideysaa howlgalo iyo mashaariic wax lagaga qabanayo baahiyaha aasaasiga oo degdega ah ee bulshada haysata taas oo si weyn xoojineysa kalsoonida bulshada.

3. WAGF&D waxay baaris ku sameynaysaa khaladaadkii dhacay si loogu isticmaalo cashar loogaga hor tagayo in khaladaadkaas mar kale dhacin.

4. Si aan looga il duufin ujeeddada dhabta ah oo ah in dadka reer Jubbaland laga caawiyo in ay dhistaan maamul ay ku wada qanacsan yihiin, loogana fogaado dareen iyo khilaaf jiitama oo horseeda dib u dhac ku yimaada fulinta qorshahan

5.Cid kasta oo si ula kac ah u hor istaagta qorshaha nabadeynta iyo maamul dhisida, waxaa loo aqoonsan doonaa caqabada hor taagan nabada waxaana lala tiigsan doona sharciga.

Ujeedada-2aad: Xaqiijinta qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Jubbaland

1. Marka Goluhu ansaxiyo qabyo qoraalkan, WAGF&D waxay la wadaagi doonta Beesha Caalamka si ay taladooda farsamo ugu dhiibtaan, dhaqaalana ugu qorsheeyaan si qorshahan u noqdo mid miro dhal ah oo hela taageerada dhamaan daneeyeyaasha.

2. Fulinta howlahan, WAGF&D waxay taageero farsamo, siyaaadeed, mid dhaqaale iyo fududeyn weydiisan doontaa Saxiibada Soomaaliya.

3. WAGF&D waxay ka shaqeyneysaa fududeynta dib-u-heshiisiinta iyo wada hadallada si xal waara looga gaaro khilaafaadka is mari waaga siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka.

4. Marka la abuuro, jawiga ku haboon, WAGF&D waxay fududeyn doontaa dhisidda Guddi isku dhaf ah oo kumeel gaar ah oo shaqadoodu noqon doonto in dhinacyada kala duwan heshiis ka gaaraan sida doorasho xor iyo xalaal ah uga dhici lahayd Jubbaland mudo sadex bilood gudahood ah.

5. Guddiga ku meel gaarka ah oo taageero ka helaya WAGF&D iyo saxiibada Soomaaliya, waxay fududeyn doonaan in la qabto shir dhaqan oo gogol xaar u noqda kan siyaasadda oo diirada lagu saarayo in odayaasha dhaqanka ee beelahu talo mideysan ka yeeshan sida ugu haboon ee doorasho xor iyo xalaal ah uga dhacdo Jubbaland.

6. Guddiga kumeel gaarka ah oo taageero farsamo iyo mid dhaqaale ka helaya WAGF&D waxay diyaarinayaan habraaca dib-u-heshiisiinta u gogol xaari doono qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoonta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

7. WAGF&D waxay dhiseysaa guddi farsamo oo la shaqeeya Guddiga dib-u-heshiisinta oo ka taageera dhanka farsamada iyo lojistikada. Sidoo kale guddigan farsamo wuxuu ka caawin doonaa soo xulista xubnaha Barlamaanka labaad ee Jubbaland kuwaas oo Odayaasha Dhaqanka u fududeyn doona.

8. WAGF&D waxay soo saari doontaa habraaca soo xulista xubnaha Baarlamaanka. 9. Marka la dhiso Baarlamaanka 2aad ee Jubaland ee uu doorto gudoonka ayuu dejinayaa habraaca Doorashada Madaxweynaha Jubbaland sida dhaqanku yahay.

10. Inta lagu jiro xiliga ku mel gaarka ah, adeega asaasiga ah ee Wasaaradaha Jubbaland bixiyaan, waxaa sii wadaya Agaasimeyaasha Wasaaradaha Geedi socodka dib-u-heshiisinta iyo doorashooyinka Jubbaland waxaa loo marayaa habraaca hoos ku xusan. HABRAACA DIB-U-HESHIISIINTA & DOORASHOOYINKA DOWLADGOBOLEEDYADA Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta waxay adkeynaysaa fulinta mabaadi’da iyo habraacyada dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedyada si loo kobciyo kalsooni cusub, isku xirnaan bulsho iyo dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaan bulshadu ay ka qeyb qaadato geedisocodka dhisidda maamul raali laga wada yahay.

Sidaa darteed, waxaa loo baahan yahay in labada habraac ee soo socda la dhaqangeliyo:

HABRAACA DIB-U-HESHIISIINTA

Si loo fuliyo habraaca dib-u-heshiisiinta, WAGF&D waxay dhiseysaa Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha Dib-u-Heshiisiinta ee Jubbaland iyadoo aan boogaadineyno tusaalaha wanaagsan ee Galmudug laga hirgeliyay. Guddiga qabanqaabada Shirwaynaha Dib-u-Heshiisiinta wuxuu u xil saaran yahay guud ahaan wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo ururinta iyo isu keenidda ergooyinka ku matalaya shirwaynaha, daadihinta shirka iyo xaqiijinta qaabka ugu habboon ee xal waara looga gaari karo khilaafaadka bulsho iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha. Shirwaynaha Dib-u-Heshiisiinta Dowlad Goboleedyada waxaa aasaas looga dhigayaa mabaadii’da iyo qaabka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka.

i) Waajibaadka iyo Awoodaha Guddiga

Hawlaha iyo waajibaadka Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha Dib-u-Heshiisiinta, iyadoo qodobbo kale lagu kordhin karo hadba sidi loogu baahdo, waxaa ka mida ah:

1. Qorshaynta iyo baahinta taariikhda uu dhacayo Shirwaynaha Dib-u-Heshiisiinta;

2. In shacabka lagu wacyi geliyo ujeeddooyinka iyo geeddi-socodka shirwaynaha, nabadda iyo ka hortagga colaadda iyadoo la adeegsanayo saxaafadda, culimmada, suugaanlayda iyo shirar bulsho oo lagu qabto meela kala duwan oo degaannada si kor loogu qaado fahamka iyo kalsoonida bulshada;

3. In la diyaariyo lana faafiyo qaabka iyo shuruudaha lagu soo xulayo ergooyinka matalaya beelaha ka qayb gelaya shirwaynaha sida odayaasha dhaqanka, culamaa’uddiinka, ganacsatada, haweenka, iyo dhallinyarada si loo helo bulsho talo wadaag ah oo ku midaysan dib-u-dhis leh maamul aasaas adag iyo xasillooni siyaasadeed;

4. Qaban-qaabada, diyaarinta gogosha iyo daadihinta Shirwaynaha Dib-u-heshisiinta ee ka horraynaya doorashooyinka iyo dib-u-dhiska Dawlad Goboleedyada;

5. Diyaarinta iyo hirgelinta barnaamij ergada lagu tababarayo xallinta khilaafaadka iyo ka hortagga colaadaha;

6. In khilaafaadka ka dhex jira bulshada ee dhaqanka, dhulka iyo dhiigga la xirrira la ururiyo, la qiimeeyo, tala laga bixiyo, xalkoodana lala sugo inay iska kaashadaan dawladda cusub la dhisayo iyo dawladda dhexe;

7. Kormeerka iyo la socodka shirarka dib-u-heshiisiinta gaar-gaarka ah ee beelaha si loo dhex-dhexaadiyo khilafaadkooda hadii ay arrimaha qaar isku mari waayaan;

8. In la abuuro jawi suura geliya is-cafis, dhab-u-heshiin iyo midnimo bulsho si waafaqsan Siyaasadda iyo Qorshaha Qaran ee Dhab-u-Heshiinta iyo Dastuurka Dalka si loo dhiso hannaan dawlad la wada leeyahay;

9. Sugidda amniga goobaha shirka lagu qabanayo iyo degaannada wufuudda waxaa ka mas’uul ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo adeegsanaysa Ciidammadeeda Amniga;

10.Tas-hiilaadka, warbaahinta, farsamada iyo agabyada kala duwan ee shirku u baahan yahay waxaa ka mas’uul ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta;

11. Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta waxaa la hawl gelaya xoghayn ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si siman ula shaqayn doonta Guddiga qabanqaabada Shirwaynaha labadaba si loogu fududeeyo tas-hiilaadka ay u baahan yihiin sida amniga, gaadiidka, degaanka iyo daryeelka ergada, qoraallada iyo daabacaadda iyo turxaan bixinta guud ee arrimaha Shirwaynaha; Hoggaanka siyaasadda waxaa ka mas’uul ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha si loo xaqiijiyo in Shirwaynaha lagu gaaro heshiis iyo is-af-garad fududeeya hawlaha xiga ee doorashooyinka. ii) Xubnaha Guddiga Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa xubno ku matalaya tirada beelaha ay ka koobanyihiin. Xubnaha guddigu waxay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, Guddoomiye K/Xigeen iyo Xoghaye.

iii) Muddada Xil-haynta Guddiga

Muddada xil-haynta guddigu waxay soconaysaa ilaa iyo inta gogosha dib-u-heshiisiinta ay ka dhamaanayso. Gogosha dib-u-heshiisiinta marka la laabo waxaa hore ka bilaabmaya qabanqaabada soo xulista xildhibaanada oo uu daadihin doono guddi farsamo ay magacaabi doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

iv) Xilka Gudoomiyaha

Gudoomiyaha guddigu wuxuu mas’uul ka yahay arrimaha soo socda:

1. Isugu yeerida iyo gudoominta shirarka Guddiga

2. Hagidda, maamulidda xubnaha iyo hawlaha guddiga;

3. Xiriirinta hawlaha shaqo ee u dhexeeya Guddiga, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka iyo bulshada;

4. Habsami u socodka qorshe-hawleedka guddiga ee ku aadan geedi-socodka dib-uheshiisiinta v) Xilka Gudoomiye ku Xigeenka

1. Gudoomiye ku xigeenka guddigu wuxuu buuxinayaa kaalinta gudoomiya marka uu maqan yahay;

2. Wuxuu qabanayaa hawlaha kale ee uu gudoomiyuhu u igmado;

vi) Xilka Xoghayaha Guddiga

1. Diyaarinta ajendayaasha shirarka guddiga;

2. Xiriirinta guddiga iyo xoghaynta Wasaaradda;

3. Qabanqaabinta shirarka gudigga iyo wargelinta xubnaha guddiga;

4. Kaydinta iyo faafinta qoraallada guddiga

5. Diyaarinta kulamada guddigu uu la leeyahay dadwadynaha iyo hay’adaha.

vii) Kulammada Gudddiga

1. Kulammada guddigu waxay qabsoomayaan markii ay goobjoog yihiin ugu yaraan boqolkiiba 51 xubnood oo guddiga ka mid ah;

2. Dhammaan kulammada guddiga waxaa shir gudoominaya gudoomiyaha guddiga hadii uu maqan yahayna ku xigeenkiisa;

3. Haddii gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba ay ka maqan yihiin kulanka waxaa xubnaha goob joogga ah iska dhex dooranyaan shir gudoomiye ku-meel gaar ah;

4. Go’aannada Guddigu waxay ku guntamayaan cod hal dheeri ah;

2. HABRAACA DOORASHOOYINKA GOLAHA WAKIILLADA IYO DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA EE DOWLAD GOBOLEEDYADA.

Mabda’a guud oo asalka ah waa in la qabto doorashooyin ku dhaca hannaan dimoqraadi ah oo xor iyo xalaal ah. Ujeeddadu waa in la xaqiijiyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed u leeyahay in uu soo doorto cidda ku matalaysa hoggaanka dalka iyo inuu isu sharrixi karo xil siyaasadeed loona dooran karo. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta ayay tahay xilkeeda dastuuriga ah inay ka mira dhaliso hannaanka federaalerynta iyo dimoqraadiyeynta dalka, xoojinta xiriirka iskaashiga heerarka dowladda iyo hirgelinta dowlad wanaagga. Sidoo kale, Wasaaradda waxaa xil ka saaran yahay inay Dowlad Goboleedyada ka taagerto qabashada doorashooyinka, inay dhowrto muddada xil-haynta iyo inay hubiso in doorasho walba ku dhacdo si waafaqsan Dastuurka KMG ah Qodobkiisa 46aad ee Mabaadi’da Guud ee Matalaadda Shacabka, gaar ahaan faqradaha hoos ku qoran:

(2) Nidaamka matalaadda shacabku waa in uu ahaado mid furan oo qof kasta fursad u siinaya inuu ka qayb qaato; habraacyadiisa iyo xeerarkiisana si fudud loo fahmi karo.

(3) Nidaamka matalaaddu waa inuu ahaadaa mid si ku filan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada. Habraaca doorashooyinka waa sidan hoos ku xusan

1. In WAGF&D ay magacawdo guddi farsamo oo loo dhanyahay oo ka shaqeeya soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada.

2. Xildhibaannada Golaha Wakiilada waxaa si madax banaan usoo xulayo odoyaasha dhaqanka beelaha ay kasoo jeedaan.

3. In la hubiyo odoyaasha dhaqanka rasmiga ah ee soo xulayo xildhibaannada

4. In la dejiyo lana raaco shuruudaha lagu soo xulayo xildhibaannada

5. In la xaqiijiyo in loo dhanyahay matalaadda Golaha Wakiilada

6. In lasoo gudbiyo liiska xildhibaannada kamid noqonaya Golaha Wakiilada.

7. In guddiga farsamada xaqiijiyo uuna ansixiyo liisaska xildhibaannada ee odayaasha dhaqanka beeluhu soo gudbiyeen. 8. Dhaarinta xildhibaanada

9. Tababaridda xildhibaanada si ay u doortaan gudoonka Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

10. Dhisidda gudi doorasho ee Golaha Wakiillada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.