Mooshinka Naxdinta Dhaliyey ee Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland

puntland

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (NAFBA NAFTAADA BAA LAGU MASAALAA), Waxaan ahay Soomaali dalkiisa iyo dadkiisa jecel waxaan saaka oo taariikhdu tahay 08/10/19 ku arakay baraha bulshadu wararka iskugu gudbiso mooshin aan maqlo kii u foolxumaa ee loogu  magac daray sidaan (MOOSHIN LAGA GUDBIYEY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PUNTILAAND OO TAAGEERSAN DAWLADA SOOMAALIYA)!!! aad iyo aad baan u naxay cabaar baan aamusnaa mar danbe baa sidii qof suuxay oo soo naaxay neefi iga soo baxday hadalkii bushimahayga ka soo baxayna wuxuu ahaa (MA SAAN BAA NOO DENBEYSAY,INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN) sidaas awgeed qof kasta oo Soomaalinimo ku jirto waxaan ka masaalay naftayda waxayna igula haboonaatay in aan ka hadlo cinwaanka ama madaxa sare in aan summad uga dhigo qormadaydaan baan soo qaatay.

Waxaan isweydiiyey su’aalahaan dhawrka ah;-

1-Isimada Puntland ee ahaa aasaasayaashii Puntland siddee uga jawaabi doonaan arintaan maadaama ayagu soo xuleen xildhibaanada keenay mooshinka magacaas wata.

2-Shacbiga puntland waa Soomaali side xaalkoodu yahay maanta?

3-Boqolaal saraakiil ah iyo askar ka soo goostay dhawaan Soomaalilaand hamigoodii iyo mooraalkooda maanta waa side ileyn ayyaga oo calanka buluuga ah  gacmaha ku wata bay soo galeene?

4-Mar haddii xaalku yahay dawlada Soomaaliya baan col la,ahay soo xaajadu maaha Soomaaliya baan col la,ahay?

5-Ugu denbayn puntilaand ma ka duwan tahay Soomaalilaand haddii shacbigu arintaas ka jawaabi waayo?

Haddaba maqaalkaan oo aan kula hadlay Reer Puntilaand aan intaas ku soo kobo kana warsugno shacbiga baarlamaanka,iyo isimada Puntilaand sida ay uga falceliyaan.

Wabilaahi Towfiiq,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.