Caleemo saarka Axmed Madoobe Maxaan ka baran karnaa

Dhacdo kasta oo aduunyada ka dhacda waa taariikh, laakiin waxaa muhiim ah in aan bani’aadnigu ka faa’ideysan oo kaydsaan waayo waxaa loo baahan doonaa mar danbe ama waqti kale in dib loo milicsado oo haddii ay khaldaneyd looga leexdo oo wada kale la maro, hadday fiicneydna loogu daydo.

Tusaale dhacdooyinkii samankii Axmed Gurey, Maxamed Cabdulle Xassan, SYL iyo SNL iyo kacaankii 1969 Oktoobar waxay ka sinaayeen dareen wadaniyadeed oo hal ujeedo lahaa (Xoreynta shanta Soomaliyeed iyo midnimada Soomaaliweyn.

Taariikhdaas oo qaar laga tago waa xumaynta taariikhda ummadda Soomaaliyeed waa ka leexin ujeedadii wanaagsaneyd ee dadka Soomaaliyeed waligii lahaa waa kala qaybin iyo burbur ku dhaca shacbiga wax kasta wadaaga waa u addeegid isticmaarka iyo kuwa danaha guracan kale dalkayaga.

Isku soo wada duub hoggaamiyihii xaraashka badda oo markii la weydiiyey aniga madaxweyne Ayaan ahay shaqo kumalihi arinta badda kamana warqabo.Hoggaamiyihii aan ku xasuusano intii uu talada hayey xaraashka hantidii maguurtada ahayd ee qaranka Soomaaliyeed, Hoggaamiyaha ka doortay booqashada Xamar Dubai iyo Bekiin iyo xildhibaanada uu ugu tunka weyn yahay madaxa kooxda Aaranjaan asaxaabtaan waxay ila tahay in loo aqoonsado kooxda lugooyo qaran.

Aan ku soo gabagabeeyo jawaabta Su’aasha aan cinwaanka uga dhigay qormadaan oo ah in aan kala baranay wadaniga dalka u addeegaya iyo qa’inka shisheeyaha u shaqeeya(DHANLEY).Haddaba akhristayaal waxaan idin su’aali lahaa kooxda qiyaano qaran ee ku caanashubay Axmed madoobe maxay u soo kordhiyeen? Su’aasha kale ee na dhextaal waxay tahay waa musharaxiin madaxweyne nimanku midkee dalka ku aamini lahayd? cod kaaga bixi fadlan.

Wabilaahi towfiiq,

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.