IMF oo taageertay dadaalada Soomaaliya daynta looga Cafinaayo

Agaasimaha Sanduuqa Caalamiga ee Lacagta Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in ay taageereyso dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto deyn cafinta iyadoo u maraysa barnaamijka dalalka saboolka ah ee deynta lagu leeyahay.

War ay soo saartay kadib markii ay Washington kula kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayey sheegtay in Soomaaliya ay ka go’antahay in ay sameyso isbedello dheeraad ah.

Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacag gaareysa $4.7 billion, waxaana socda dadaalo ay Dowladdu dalalka deynta ku leh ugu qancineyso in ay ka cafiyaan.

“Waxaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha taageeradda buuxda ee IMF si loo hibiyo deyn cafinta” ayey tiri Georgieva.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qayb gelay shirka sanadlaha ah ee Bandiga Aduunka iyo IMF ayaa la kulmay Georgieva waxaana uu kala hadlay sida ay Soomaaliya ugu baahantahay taageeradda IMF si loo dhameystiro shuruudaha deyn cafinta.

Wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ka wada shaqeeya sidii deyn cafinta loo dedejin lahaa waxaana horay u soo dhamaaday wajiyo sedax ah iyadoo hadda lagu guda jiro wajigii afraad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.