Daawo:Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta soomaaliya oo gaaray Caabudwaaq

Wafti uu hogaaminaayo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Somalia Eng Cabdi_Canshuur Xasan iyo Sanater Cabdilwaxid Cilmi Goonjeex , Xildhibaan Farah Hassan oo kawada tirsan labada aqbal ee Baarlamaanka DF iyo Maamulkansare ee jaamacada ummada soomaaliyeed ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dagmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.

U jeedada ay u yimaadeen Waftigaan ayaa ah in laga hirgaliyo Xarunta Jaamacadda Ummadda Internet aad Xawaarihiisu u sareeyo, kaas oo ay ka wada faa’iidaysan doonaan MaaMulka, Macalimiinta iyo Ardada Waxaana sidoo kale Xarunta lagu wareejin doonaa Computerro Laptops ah, Electronic, Library iyo Qalab kale Technology yada La xariira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.