Wasiir Saadiq oo sheegtay in ay hayaan 15 Milyan oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada

warfaa

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaaddayo tallaabooyinkii u horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la’aanta.

Wasiirka oo khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaca ka qaadday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo Baarlamaanka loo gudbiyay akhrinta koowaad inay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada.

“Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ,mashruuca badbaadinta Bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray ” Mashruucan wuxuu gaaraya dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo.”

Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka,iyadoo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, uu caddeeyay inay ka go’antahay in la dhimo shaqo la’aanta iyo faqriga ama saboolnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.