Dr Jamaal Sahal oo kusoo wajahan Caabudwaaq iyo Bulshada oo loogu baaqay inay ka faa’idaystaan

Magaalada Waxaa imaan doono Dhaqtar Jama Sahal oo ah turjumaha iyo qoraaga buugaagta ( BUUGA BAABILI NINKII UGU HODAN SANAA ) ( BUUGA FAKAR OO HODAN) ( BUUGA SIDEE WALWALKA LA ISKAGA JOOJIYAA) ( BUUGA XALKA GAASKA) ( BUUGA WAAD GULAYSAN KARTAA) kuwaas oo ah buugag cilmiga dhex jiifa uu yahay mid in ka badan 10 kun oo sano ka hor soo jiray .

Caabudwaaq maalinta jimcaha ah ee hameenkeeda sabtida soo galayso waxaa ka dhici doono Bandhig Buugeedki ugu muhiim sanaa ee soomara inta aan ka ogahay bandhigyadi hore, waa bugaag aan lamid ahayn buugaagta aynu naqaan ama so aragnay kana duwan gabi ahaanba kolka loo eego Cilmiga ku dhex jiro qiimahiisa iyo sida uu u hirmarayo qofkii fahmaa oo ku dhaqmaa.

Waxaan hubaa Qofkii bugaagtaas ka qadaa inuu ka qaday dhaxalkii aabihi iyo cilmi uu baran lahaa mudo dheer,

Fadlan ugu hiili degaanka in buugtan ay ka faidaystaan ganacsadaha iyo farsama yaqaanada iyo dadka ehlul cilmiga ah, Caloosha sida aad u quudiso inaad maskaxda u quudisaa so dow kuuma ahan
Quudinta maskaxda waa aqriska buugaagta muhiimka ah sida kuwan oo kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.