Ayax tirabada oo soo weeraray Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

Anyax tira badan ayaa lagu arkay Deegaano badan oo hoos yimaada Degmada Caabudwaaq, gaar ahaan Deegaanada Waqooyiga iyo Galbeedka Degmada, waxaana la sheegay in Anyaxa uu ku socdo saf balaaran deegaanada lagu arkay ee uu soo gaarayna ku reebay Koron koryo.

Anyaxaan oo ka yimid dhinaca DDSI ayaa lagu arkay deegaano badan xili Curashada Roobka Dayrta si fiican loo helay, Waxaana markii dhirta ay magooshay oo noqo si fiican u soo baxay uu ku dagay Anyaxu dhirta, taasoo keentay in aga muujiyay cabasho xoogan ka dib markii uu ku dagay dhirta daaqii iyo caleentii uu diirtay.

Waxaa la sheegay in guud ahaan dhulkii uu soo maray Anyaxu uu ku reebay Dhal ama Koronkoro, Dadka xoola dhaqatada ayaa sheegay in xoolaha daaqii uu ku yaraaday.

Xiligii Dawladii dhexe waa lala dagaalami jiray Anyaxa si looga baaqsado dhibaato dhinaca deegaanada ah. Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.