Sawiro:Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo Agaasimayaasha Guud Amaan u jeediyey

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane; Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa sheegay in Agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka Dowladdu ay ku dhaqaaqeyso.

Mudane; Mahdi oo Maanta ka qeyb galay shirka Agaasimayaasha guud oo Maalintiisii Saddaxaad galay, ayaa wuxuu kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkan oo ay sameeyaan wada tashi, xog is weydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi, maadaama ay yihiin waaya arag iyo Muraayaddii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in Agaasimayaasha guud oo bud-dhig u ah hagaha nidaamka Dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha Dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta Qaranka.

Shirka oo ay Maanta ku soo biireen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowlad Gobaleedyada  laguna soo bandhigayo waxqabadka Dowaldda dhexe ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaanu qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.