Ciidamada Liyuu Boliiska oo dad shacabka ku Jirdilay Deegaanka Neefkuceshe ee gobolka Doolo.

Ciidanka gaarka ah ee DDS ee Liyuu-Booliis ayaa Go’doon galiyay Maanta Magaalada Neefkuceshe oo ka tirsan Gobolka Doollo ee DDS kadib markii Ciidanka Liyuu-Booliis maalintii Shalay ay magaalada soo gasheen Dad shacab ah oo gaadiid ku watay dhismayaal iyo Guryo lagu deegaamaynayo si looga mid dhigo Dadka dagan Magaalada.

Waxaana lagu amray dadka Deegaanka joogay inay dhistaan Guryo dadka ay ciidamadu wateen iyagoo lagu dul dajiyay boosas ay lahaayeen Dad shacab ah waxaana ka hor yimid oo diiday inay dagaan dadkii lahaa boosaska, Waxaana diidmada kadib ka dhashay xaalad Jahwareer waxaana la soo galiyay Tuulada ciidama badan oo dadka jirdil iyo xarig u gaystay

Ciidamada soo galay Maanta Neefkuceshe ee dhibaatada u gaystay Shacabka Magaalada ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guud ee Ciidamada Liyuu-Boliis Gobolka Doollo Korneyl, Cabdiraxmaan iyo Gudoomiya Gobolka Doollo Cabdinaasir Maxamuud Cabdille, iyo Gudoomiyaha Gobalka Wardheer CabdiNaasir Maxamuud Cabdule, Waxaana Ciidamada dadka ay maanta jirdilka ku dhaawaceen ka mid ah.

1- Dr Xassan maxamed Amiin, oo ahaa dhaqtarka Magaalada #Neefkuceshe
2- Injineer Cabdullaahi faarax Cabdulle
3- Khadiijo Bashiir Sh. Cabdullaahi
4- Sacdiyo Koomaal Shiikhdoon
5- Cabdullaahi Xassan Faarax

Dhamaan dadkaasi waa la diiday inay helaan adeeg Caafimaad ama la soo qaado meel lagu daweeyo, waxaana la xayiray Gaadiidka galaya iyo kuwa ka baxaya Neefkuceshe, waxaana magaalada ka socda dhismaha guryo loo rabo in lagu deegaameeyo shacab ciidamadu ay wateen kuwaasi oo laga keenay Gobolada Doollo iyo Qoraxeey.

Naftaada Nabadda Bar

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.