Sawiro:Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u Jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaaniga oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

MadaxweyneMaxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.