Sawiro:Dad ka barakacay fatahaado ka dhashay roob ka da’ay Degmada Bardaale

wabi

Daadad ayaa ka dhashey roobab lixaadle oo ka da’ay Degmada Berdaale ee Gobalka Baay, kuwaas oo geestay burburka guriyaha iyo goobihii ganacasiga ee Degmadaasi ku yiilay.

Dadka ayaa gabi ahaanba ka guuray gudaha Degmada maadaama dhulkii oo dhan ay jeex jeexeen biyo ka dhashay fatahaada roobka oo dadkii ay dhib ku noqotay in ay siijoogaan guriyahooda.

Musqulihii la isticmaalaayey.boosineerooyinkii  iyo ceelashii biyaha ee laga cabayey ayaa dhamaan isku furmay, taas oo dadka deegaanka welwel kale ku abuurtay, maadaama ay ka dhalan karto cudurada faafa.

Goobo badan oo ganacsi ayaa badeecadihii lagu gadayey ay qaadeen biyo.

Dadka ka qaxey Degmada waxa ay xiligan ku suganyihiin meel ku taala duleedka Koonfureed ee Degmada oo lagu magacaabo Shiidi Macalin Yaraw, halkaas oo saacadaha soo socoda laga cabsi qabo in ay gaaraan daadad ka dhashay biyaha  hadii loo eego xawliga iyo xooga ay ku socodaan.

Maamulka Degmada Bardaale ayaa ka codsaday madaxda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxda dowladda Federaalka inay si deg deg ah gurmad ugu fidiyaan dadka ka baracay fatahaadda roobka ee haanta ku dhibaateysan duleedka magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.