Dhacdadii 26 Oktoobar Ma Istiri Puntland waxay Cagta saartay Wadadii Jubbaland

deni

Maahayn wax qof Soomaaliya ku farxo sidii Madaxweyne Deni uga falceliyey xidhibaankii su,aalaha adag weydiiyey oo ahayd carahadal iyo salfudayd uu markiiba ka kacay fadhigii hanjabaadna raaciyey,sidaas awgeed waxaan is iri odaygu ma intii uu dhawrka beri Joogay Kismaanyo buu duq Madoobe xoogaa ka soo bawsaday,(LAAKIIN, AALA TAHAY),Labada maamul Degaan ahaan, dad ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan,waxa Jubalaand ka hirgalayna ka soco maayaan Puntilaand.

1-Umalayn mayo in puntilaand ay ka suuroobayaan dilal qorshaysan,masaafurin iyo xildhibaan inta la xiro oo xilka laga qaado haddana la fasaafuriyo,waana sida arintu u ekayd.

2-Xidhibaanada Jubalaand nin baa xushay tayadooda iyo garashadood waa uurjiif hooyadi ku gowracan oo Axmed bay ku gowracan yihiin,waayo reerana ma matalaan tayo aqooneed iyo waayo,aragnimo midna kuma imaan,Puntilaand reeray masalaan xldhibaanadu,waa dad lagu keenay aqoon,waaya,aragnimo ama ugu yaraan reermagaal ah.

3-Jubalaand maamul kor iyo hoos hal beela baa ka jira laakiin Puntilaand beelo baa isku darsaday oo heshiis ku dhistay.

Sidaas awgeed (DENIYOOW GEELA CALOOSHA HA KA RARIN EE ISDEJI),shacbiga iyo baarlamaanka Pumtilaand waxaan kula talinayaa wixii aad soo wadeen tan iyo burburkii oo aad ku badbadeen ilaashada oo shilimo ama xoogaa beeso ah oo laga keenay Imaraadka oo dad tira yar qaataan yey isku kiin dirin, meeshu madal bay ahayd dadkuna waa marqaati.

Wabilaahi Towfiiq,

Guuleed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.