Daawo:Maktabada Caabudwaaq oo Dhul loogu Deeqay

Maktabada Guud ee Dagmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu wareejiyey dhul balaciisu dhan yahay labaatan lagu dhuftay labaatan 20×20 oo uu ugu deeqay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Cadaalada Dowlad Gobleedka Galmudug mudame Sharmake Madar Cali.

Dhulkaan ayaa qayb ka ahaa baahiyaha ugu wawayn ee maktabadu u baahnayd si bulshadu u hesho maktabad isku filan oo dhisme iyo
dhul ay leedahay ku taal oo degaankana ka hana qaada.

Dhulkaan oo dhawaan dhisme is xilqaan ah ka bilaaban doono ayaa waxaa bulshada degaanka qaybaheeda kala duwan loogu baaqayaa inay qayb wayn ka gaystaan dhismihiisa hadii eebe idmo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.