Soomaaliyeey dhagarqabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa

Ma isweydinaa waxa hurdada u diiday Sh,Shariif Sh.Axmed iyo Xassan Sh,Maxamuud? Ma is dhahdeen maxay la harsan la,yihiinj?

Ma idiin muuqataa in hadalkoodu u muuqdo mid ka fog akhlaaqda siyaasiyiinta?Ma is dhahdeen xaaladu waxay ka maraysaa (NIN QAAWAN BIYO ISKAMA DHAWRO)?Maxaa gaarsiiyey ilaa xad in ay si cad u dhahaan cay iyo ceeb midna wax naga dhimimayso,mana aamusayno,ararta yaana sii wadine waxay Soomaalidu dhahdaa(CEEBI WAA LABA AFMAROOJIS).

Mar kale aan soo qaato maahmaah caana (DHAGAR QABE DHULKA BAA U DHAQDHAQAAQA),waxaa hubaala qaran xisaabtami kara oo aan xeerinayn jileeca  jira haduu jiri lahaa in aan midkoodna banaanka joogeen ee laga abaalmarin lahaa hagardaamadii ay u geysteen shacbiga Soomaaliyeed,waxaana xaqiiqa in arintu tahay (QAANI MA QURUNTO NINKEED QAATA HADDAAN LA WAAYIN) Haddii Alle nagusimo mar kasta hagaadhee markii ay haboonaato in maxkamad horteed lagu arki doono ,waayo biyaha badda Soomaaliya ee laga iibiyey Keenya waa dakano aan duugoobayn.Tan kale hantidii maguurtada ahayd ee dhul iyo dhisme iskugu jirta ee muuqata laga harimaayo,bal akhristayaal ila eega nimankaan iyo saaxiibadooda xisbiyada aanaan noocooda garan Karin,qaylada,cayda iyo wax ka sheegida xukuumada tilaabo kasta oo waxtar ah ee horay loo qaado ayyaga waa ku culeys oo waa khatar ku soo dhawaaneysa,bal hoos ka daawda imaaradaha ama guryaha dhaadheer ee ay ka dhisteen Ankara iyo Istabuul.

  1. Sababta arimahaan ku kaliftay waa waxa aad ku aragtaan fidiyoowga sare;-

1-In ay ku dhexmilmaan reerahooda oo dufeys difaaca ka dhigtaan.

2-In ay ka naxaan Tilaabo kasta oo horay loo qaado ayyaga oo u arkaaya Qatar ku soo dhawaaneysa sida ,

-Dalka oo si midaysan oo kala danbeyn leh u shaqeeya,  ma ogola oo waxay ku hawlan yihiin kala fogeeynta DF iyo maamulada gobolada oo fowdada iyo qaraabashada ku hawlan si ay u dhistaan guryo ku wooda la mid ah.

-Dacaayad beena oo ay isku dayayaan in ay shacabka ku kiciyaan,maaha sababtu in ay kursiga ku soo noqdaan oo waa ka dheragsan yihiin in aan dib loo daraneyn laakiin in waxa jira ay baabi,iyaan oo ku cimridheeraystaan.

-Bal eega Taalooyinka,Kiiska badda,dhaqaalaha kobcay,deyn cafinta,habaynta ciidamada,shaqaalaha iyo ciidamada mushaarka la siiyo,fulinta mashaariicda iyo Xataa Gurmadka Fatahaada oo sida wax u socdaan aan u wada jeedno bay noo siyaasadaynayaan,Idinku is weydiiya waxa shidaya ragii dalka madaxweynahayaasha ka noqday iyo saaxiibadood.

Wabilaahi towfiiq,

Guuleed,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.