Sawiro:Ciidama Dowlada ayaa la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Guriceel

Waxaa dagan Xaalada Guud ee Magaalada Guriceel saaka Waxaana ku sugan Goobaha Muhiimka ah ee Magaalada Guriceel Ciidamada Dowlada Faderaalka oo Si Buuxda ula Wareegey Gacan ku Heynta Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib Markii Halkaa ay Isaga Baxeen Ciidamadii taageersanaa Kooxda Ururkii Ahlusunna ee Horey u Joogey.

Jawiga Madaala Guriceel ayaa saaka Dagan waxaana Magaalada lagu wada arkayaa oo ku Sugan ciidama kala duwan ee Qaranka Soomaaliyeed iyo wafdi uu Hugaaminayo Wasiirka Arimaha Guddaha Xukuumada Faderaalka oo xalay ku hoyday Magaaladaas.

Waxaaa Magaalada Gudaheeda ku lugaynaya taliyaasha Ciidamada sida Taliska Qaybta 21-aad Sida Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje” Taliyaha Ciidanka DANAB ee Q21,aad iyo Taliyaha Guutada 15-aad Gen: Mascuud Maxamed oo uu wehliyo Agaasinka Nabadsugida .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.