Daawo:Madaxweynaha Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo u yimid deyn cafinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabo-gabo maraya.

Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.