Daawo:Wasiirka Amniga Gudaha oo Muqdisho ka dhagax dhigay Dhismo ay ku kacayso 5 Milyan oo doolar.

ducale

Dhismahan uu maanta dhagax dhigay Wasiirka Amniga Gudaha oo ku yaalla agagaaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noqonaya xarrunta dhexe ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS wuxuuna dhismaha Xaruunta socon doonaa ilaa 2021 iyadoo ay ku baxeyso lacag dhan $5Million oo Dollar oo ay maalgalinayaan dalalka Britain,Norway, Finland iyo Denmark.

ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ahna kusimaha Agaasimaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine) oo ka hadlay goobta dhagax dhigga ayaa xusay in muddo saddex sano ah ay soo socotay howshan ayna u mahadcelinyaan madaxda Qaranka iyo Dowladaha maalgalinaya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa talaabo hore loo qaaday ku tilmaamay dhismaha xarruntan oo ah mid balaaran isagoona bogaadiyay Howlaha Hay’adda Socdallka iyo Jinsiyadda ay u ehyso bulshada.

” waxaa farxad noo ah in shirkado badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah usoo tartameen dhismahan balse Shirkad Soomaaliyeed ay ku guuleysatay mashruucaan ,madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  iyo shaqaalahoodaba waa ku amaanayaa dadaalkooda waxaana filayaa in 15-ka Janaury 2021, dhismahan oo la dhameeyay furayaashooda lagu wareejiyo” ayuu yiri Wasiir Ducaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.