Muuqaal:Soomaaliya iyo Norway oo si wadajira u daahfuray mashruuc ay ku kacayso 24 Milyan

Dowladaha Soomaaliya iyo Norway ayaa maanta si wadajira u daahfuray wajiga labaad ee mashruuca xasilinta iyo adeegyada bulshada oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Wasiirka Arimaha gudaha Soomaaliya, Safiirka ku xigeenka dalka Norway ee Soomaaliya, ergayga gaarka ah ee dowlada Norway u qaabilsan geeska afrika iyo madaxa hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay kulankan oo daah fur u ahaa wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyada guud ee bulsahada oo ay maalgelineyso dowlada Norway.

Mashruucan oo socon doonaa muddo Seddex sano ah waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyadoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka garoomada ciyaaraha, isbitaalada naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.