Sawiro:Caabudwaaq oo Gurmad Raashina u dirtay Baladwayne

Gudiga Gurmadka Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Magaalada Baladweyne oo uu dhawaan ka magacaabay Magaalada Caabudwaaq Ugaaska Beelaha Sade Ugaas_Maxamed_Ugaas_Axmed_Ugaas_Faarax Mohamed kayse ayaa saaka Ka amba bixiyay Caabudwaaq Gaarigii ugu horeeyay Gurmadkooda oo ay u direen Walaalahooda Baladweyne.

Gudi qaabilsan Qiimaynta masiibada Fatahaada iyo Qaybinta Gurmadkan ayaa sidoo kale saaka ka amba baxaya Magaalada Caabudwaaq kuwaasi oo ka sii hormari doona Deeqdan Gurmadka ah.

Gaariga ayaa sida Raashin dhan 500 oo kiish oo ah qaybaha kala duwan ee Raashinka, Saliid 55. Kartoon, 27. Bundadood oo dhar ah, Baasto, Bacaha Roobka, Timir, Sijaayado, iyo Maacuun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.