Akhriso:Maraykanka oo Baaq U Diray Dawladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada

Dawlada Maraykanka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dawladda federalka Somalia iyo maamul goboleedadeeda ay ugu baaqayso inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed, iskaashi iyo midnimo bulsheed, iyadoo loo marayo wadahada nabadeed, sida lagu sheegay baaqa ka soo baxay dawladda Maraykanka.

Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya  wadahadal nabadeed.

Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.