Dowlada Mareykanka oo markii sadaxaad u diiday Vise Shiiq Shariif

Dowladda Mareykanka ayaa markii Seddexaad u diiday Visaha Mareykanka Madexweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyadoo u ogalaatay inay siiso rag ku wahelin lahaa safar uu Mareykanka ku tagi lahaa, kaasoo uu rabay inuu kulasoo kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Mareykanka.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Dowladi u diido Madexwaynahii hore iyadoo bartamihii 2016-kii ay Dowladda Australia u diiday inuu galo dalkeeda xili ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay diyaar garow ballaaran u gashay soo dhaweyntiisa laakiin nasiib darro aysan suurtoobin.
Illaa hadda ma cado sababta ay Dowladda Mareykanka ay ugu diiday inuu dalkeeda kagalo Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo inay xiriir la leedahay xayiraadii Trump uu ku soo rogay Dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee waxaan dhawaan filnaaba waa inuu Hogaamiyaha Xisbiga Himilo la wadaago saxaafadda sababta keentay in loo diido Dal kugalka Mareykanka.     

 ABDIRAHMAN ALFA MOHAMUD   GEDOTIMES    MUGDISHU 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.