ONLF oo dooratay Gudoomiye cusub

Ururka ONLF ayaa Doorasho ka dhacday Magaalada Godey ee Gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa ay Guddoomiye Cusub ugu doorteen Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Doorashada oo aheyd Cod qarsoodi ah, ayaa waxaa ku tartamayay labo Musharax waxa ayna kala heleen C/raxmaan Madey oo helay 349, halka Axmed Yaasin oo la tartamayay uu asna helay 251 Cod,waxaana halaabay 7 Cod,waxaana Guddiga Doorashada ay ku dhawaqeen in C/raxmaan Sheekh Mahdi Maadey uu yahay Guddoomiyaha Ururka Gobonima-doonka ee ONLF. 

Doorashadan oo ahayd cod qarsoodi ah ayaa waxa ay noqoneyso, midii ugu horeeysay tan markii ONLF iyo Itoobiya uu heshiish dhexmaray.

Guddoomiye C/raxmaan Maadey ayaa bedelaya Guddoomiyihii hore ee ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo ahaa Guddoomiyihii Ururka xilligii ay halganka dagaalka ay ku jirtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.