Sawiro:Balanbale Gudiga Hirgalinta Nabada oo Booqday deegano Hoos yimaada Degmadaas

Maanta oo Taariikhdu tahay 12/11/2019 ayaa Gudiga Hirgalinta Nabada Degmada Ballanballe ay booqdeen Deegaanka Jiicle oo kamid ah Deegaanada Hoosyimaada Degmada Ballanballe.

Gudigan oo fulinayey qorshe howleedkooda ayaa sameeyey wacyi-galin balaaran waxaana si-fiican uga faa’iideystay dadka reer miyiga ah, waxaana taargetku ahaa deegaano kala duwan oo hoosyimaada degmada ballanballe.

Gudigaan ayaa waxay u booqdeen Deegaanka Oodaale, Xirsi lugey iyo kuwo kale oo hada la qorsheynayo in la booqdo lagana sameeyo wacyi galinta ay wadaan Gudiga Hirgalinta Nabada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.