Ciidamo Gadoodsan oo Boosaso Gudaha u Galay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri waxaa isku horfadhiya ciidamo ka soo tagay degmada Carmo iyo ciidamo kale oo katirsan maamulka Puntland.

Ciidamada isku horfadhiya Boosaaso ayaa isku ridaya rasaas iyadoona qeyb kamida hubka ay isku adeegsanayaan laga maqlayo qeyb kamida duleedka magaalada walow aan la’ogeyn in wax khasaare ah Jiro waxayna gudaha u galeen Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ka soo baxay dhanka degmada Carmo ayaa lasheegay inay ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux waxaana la sheegay inay doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.