Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ee uu doortay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan gudoonka kale ee baarlamanku.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.