Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore oo kulan u socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan gaar ah la leh Madaxweyneyaashii hore ee Dalka, sida uu Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay Cabdinuur Maxamed Axmed agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka

Ajendaha ugu weyn ee kulanka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayashii hore Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah arrimaha doorashooyinka Dalka ee 2020–ka.

Waxaa sidoo kale lagu gorfeeynayaa kulanka sidii ay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xukuumadda ugula shaqayn lahaayeen hannaan doorasho oo hufan, isla markaana ah Qof iyo cod ay Dalka uga dhici lahayd, si awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, una doortaan madax iyo Xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga noqda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.